Boqashadii ASM ee Jabuuti

Hogaanka Awdal State movement ayaa boqasho rasmi ah ku tagay Jabuuti iyagoo casumaad ka helay madaxda iyo shicibka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Bisha june 26dii ayay ka dageen madaarka caalamiga halkaa oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Bisha june 27dii wuxu wafdigu ka qayb galay dholatuskii milatary ee sanad guurada 47aad xornimada jabuuti. Wafdiga oo uu hor kacayay hogaamiyaha Awdal State Movement Dr Ali Ibrahim Bahar waxa kulano wax ku oola uu la yeeshay madax, odayo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Jabuuti iyo jaaliyada Awdal. Ummadda Jabuuti madax iyo shicib waxay taageero buuxda uu muujiyeen qadiyada Awdal.

Lire plus »