Hiigsiga fog

Publié le 6 juillet 2024 à 21:24

Ummadi waa in ay laba shayba aanay ka hadhin :

1. Mustaqbal ifaya in ay u reebto jiilasha soo socda

2. U hagar bixidda danta guud

Waa aastaamaha ay leeyihiin ummadaha guulaysta. Waana laba yool oo isku sidkan. Qofku si gaar ah ama bulshadu si wadar ah hayna danta guud u ordin la filan maayo in mustaqbalku wanaagsanaado. Inta nin waliba u ordayo dan shaqsi ah, inta beel walbina leedahay « aniga », waxaa si fogaanaysa dantii guud ee ummadda wada deeqi lahayd. Ogow oo ka danta gaar ka ah ka hor marinaya wax walba ma oga in uu tiisana seegayo waayo danta guud markay hagaagto ayaa ta gaar ka ahna la helaa.

Waxaan ummadeena ku boorinayaa in danta guud dhinac looga soo wada jeesto, gabadh iyo wiil, inan iyo oday, qurbajoog iyo qolqoljoog. Dad isku hami ah oo yool mid ah leh ayaa guulaysan kara, dariiqa loo marayo ha lagu Kala duwanaado.

Danta guud ee Ina midaynaysaa ha noqoto Awdal xor ah iyo in aan masiirkeena inagu go’aamino oo cid kale loo daba fadhaysan.

 

Hogaamiye Dr Ali Ibrahim Baxar

Ajouter un commentaire

Commentaires

Il n'y a pas encore de commentaire.