Awdal State Movement

Dhaqdhaqaaqa Maamulka Awdal

 

Awdal State Movement waxa la aasaasay bishii september 2dii, 2023. Waxa lagu dhawaaqay ka dib shir laba cisho uga socday aqoon yahanka, ururada dhalin yarada iyo haweenka iyo siyaasiyiin ka kala yimid somaaliya iyo daafaha dunida. Waxa shirka daah furay ducana ku soo xidhay Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi. A.S.M waxay u guntatay in Awdal laga hoos saaro maamulka somaalidiika ah ee SNM ee ku habsaday gobolada waqooyi ee somaaliya ka dib burburkii dowladii dhexe 1991.

 

 

Our leaders/Hoggaamiyayaasha

Dr Ali Ibrahim Bahar

Leader of Awdal State Movement

Hoggamiyaha Awdal State Movement

Ex-Wasiir Mohamed Abdillahi Obsiyeh

1st deputy chair of Awdal State Movement

Hoggaamiye ku xigeenka 1aad

Salebane Emrane

2nd deputy chair of Awdal State Movement

Hoggaamiye ku xigeenka 2aad

Wax ka ogow Lughaya

Lughaya waa magaalo xeebeed qaddiimi ah oo ku taal waqooyi galbeed ee gobolka Awdal. Lughaya waxa ay 190 km koonfurta bari kaga beegantahay magaalada Jabuuti, 225 oo km-na waxay dhanka waqooyiga ga;beed ka xigtaa degmada Berbera. Caasimada Awdal ee Borama waxay u jirta 185 km dhanka waqooyi bari. Sidoo kale waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu weyn gobolka Awdal. Shacbka deggan waa dad xoolo dhaqato ah, sidoo kalana kalluumeysato ah, waxa ay caan ku tahay kalluunka iyo caanaha geela. Magaalada waxaa deggan dad lagu qiyaaso 85,000 oo qof.

Deegaannada hoosyimaada degmada Lughaya waxaa lagu cabbiraa dhul baaxaddiisu le'eg tahay ilaa 10,421 km kaasi oo ay ku dhaqan yihiin dad gaaraya ilaa 232,706 oo qof. Sida caadiga degmadani waxaa xarun u ah magaalada xeebta ah ee Lughaya. Magaalooyin kale ee ku hareereysan ama xidhiidhka laleh waxaa ka mid ah Saylac, Caasha Cado, Xariirad, Jidhi iyo Lawyacaddo kuwaasi oo isugu jira magaalooyin iyo tuulooyin.

Awdal oo ay ka tirsan tahay degmada Lughaya ayaa ah gobol taariikh dheer leh isla markaana lagu xusuusto xadaarad suldaannimo, boqortooyo iyo ismaamul dheer oo muddo soo jiray. Boqortooyada Adal waxay ka mid tahay awooodihii ugu caansanaa ee ka soo talin jirey gobolka Awdal. Awdal waxaa magaalo madax u ah caasimada Boorama, oo ah magaalada ugu weyn gobolka. Gobolkan waxa uu ka mid yahay gobollada ugu horumarsan woqooyiga gaar ahaan woqooyi galbeed, xag dhaqaale, waxbarsho iyo dhanka culuumta diinta. Awdaliyiinta ayaa galiyay dadaal badan oo dhulkooda ay ku horumarinayaan iyadoo ay ka xhidhan yihiin ilaaha dhaqaale sida dekedaha iyo airport, maamulka Hargaysana u hay'adaha caalamiga uu ka mamnuucay Awdal.

Lughaya waxa ku yaala ceelal shidaal oo ka la ah Heemaal 1 iyo laba, isla markaana shidaalku uu kamid yahay waxyaabaha uu deegaanku qaniga ku yahay. Ceelalkan oo la sahamiyay wakhtigii dowladii kacaanka. Damaca Ethiopia ayaa ku waajahan degmadan Awdal iyadoo rabta in dhul ahaan ay la wareegto. Dadka deegaanka dagan ee Gababuursiga iyo Ciisaha ayaa ka biya diiday heeshiiska xaraanta ah ee nidaamka Hargaysa uu la galay dowlada Abiy Axmad,

"Ugaas Rooble Ugaas Nuurow gunto oo dadaal gooriyo ayaanba

Gobanimada eeg oo tolkaa guudka ka ilaali

Gudigana go'aankooda guud ha uga leexan

Gaashaanka adigoo hayoo cadowga garaacaaya

Gasgaslaha tolkaa kala geeyaha cudurka guuxaaya

oo xumo gargaarkii noqdee garabka siinaaya

Hadii reerihii balo gashoo maqasho guuxooga

Haka gaabin meeshii horeed faraska gaadhsiisay

Boqornimada xumaan kuma godoo way galgalataaye

Haduu cadowgu geedkaan jaroo xididka soo gooyo

Garbadii dhacdaba waxaa ka bixi geed agtiisa ahe

Kii gudun ku jaray waa danbuu garan doonaaye"

 

Ugaas Nuur Ugaas Rooble

Maxaan u soconaa ?

Awdal State waa qadiyad somaaliyeed. Anagu dadkayaga waxaan la rabnaa barwaaqo iyo horumar. In aan ka saarno jeelkan dusha ka furan ee ay ku jiraan 33 ka sano. Waxaan rabnaa dhalintayadu in ay mustaqbal helaan, aduunka meeshay doonaan u tacliin iyo shaqa doonan karaan. Ma si ahaan karto ummadayadu tu meel ku oodan oo lagu khuukhiyo somaalinimo. Anaga ah somaali, waligayana ahaanayna.

Hodhaahdii JF Kennedy ayaa ahayd « ha is waydiin waxa dalkaagu ku tari karo ee waxaad is waydiisa adigu maxaad ummaddaada taraysaa ». Waa su’aal somaali oo dhan u taal gaar ahaan reer waqooyi. Marka somaalidiidku odhanayaan maxay somaali idiin taraysa ? Anagu maxaan tarayna weeyi. Anigu ka shakhsi somaali ah maxaan dadkayga iyo dalkayga aan tari kara weeyi ? Sharaftiisa, karaamadiisa, difaaciisa, dhaqaalihiisa.

Waxaan rabnaa Awdal oo ka hoos baxda somaalidiidka kuna biirta bahda balaadhan ee walaalahooda somaaliyeed.

Contact us/Na la soo xidhiidh

 

Awdal State Movement
Ottawa, Ontario